ONLF oo ka hadashay booqashada Farmaajo ee Eriteriya

Image

NAIROBI- Afhayeenka Jabhadda ONLF, Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay inay soo dhawaynayaa booqashadda uu Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ku tegay Magaaladda Asmara ee dalka Eritrea.

Farmaajo oo hadda ku sugan halkaas ayaa waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Isaias Afwerki, oo ay kawadda hadli doonan arrimo badan oo ay kamid tahay xiriirka labadda dal, amniga iyo dhaqaalaha.

Hirmooge oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay kulanka Farmaajo iyo Isaias Afwerki, ay rajeynayaa inay kasoo baxaan qodobo isku soo dhawaynaya labadda dal.

"Soomaaliya, dowladihii udambeeyay waxay ahaayeen kuwa loo adeegsanayay in lagu cunaqabateeyo dalka Eritrea, laakiin talaabadda uu qaaday Farmaajo waxaan aragnaa inay tahay mid muujineysa ficil ka duwan taasi," ayuu yiri Hirmooge.

Mar wax laga weydiiyay hadii ay rajeynayaa inay wafigooda ku sugan Magaaladda Asmara ay kulan la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo ayuu cadeeyay inaanu qorshahooda ugu jirin haatan, wallow uu  rajo ka muujiyay inay mustaqbalka kulmaan.

Dowladda Soomaaliya waxay Jabhadda ONLF ku tilmaamtay urur Argigixiso ah, Afhayeenka oo arrintaas wax laga weydiiyay ayuu sheegay inay qodobkaas kala hadli doonan madaxda dowladda marka ay la kulmaan.

Jabhadda Xorreynta Ogaadeen ee ONLF oo dagaal adag kala soo horjeedda dowladda Itoobiya ayaa xafiisyo ku leh wadanka Eritrea, halkaasoo uu uga socda shirwaynaha Ururka, kaasoo la filayo in dhawaan lasoo gaba gabeeyay.

Laakiin, isbedaladda ku dhacay xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa la filayaa inuu wax badan ka bedalo, inkasta oo isku soo dhawaansho ay ka jirto Jabhadda ONLF iyo dowladda cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Safarka uu Madaxweyne Farmaajo ku tegay wadanka Eritrea ayaa la rumeysan yahay inuu sababay isbedaladda xooga leh ee uu sameeyay Abiy Axmed markii uu qabtay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, inkasta oo aanan la saadalin karin qodobadda kasoo bixi doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM