Pakistan oo gudbisay dalab ku saabsan Ciidamada Cirka Soomaaliya

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Taliyeyaasha ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan ayaa Arbacada maanta ah ku kulmay magaalada Islamabad.

Kulanka Maxamed Sheekh iyo Mujahid Anwar Khan ayaa ahaa mid uu albaabada u xirnaa, mana jirin cid kale oo ku wehlisay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa shaacisay in isa-aragga saraakiisha diiradda lagu saarey xoojinta iskaashiga labadda ciidan

Iskaashiga waa mid ku dhisan dan-waag, sidda ku xusan war-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay shirka labada geesoodka ah.

Maxamed Sheekh, taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey horumarka iyo casriyeynta lagu sameeyay dhigooda Pakistan.

Dhankiisa, Mujahid Anwar Khan ayaa hoosta xariiqay ahmiyadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu dalbadey in ay tababaraan Ciidamada Cirka Soomaaliya islamarkaana ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya.

Pakistan, dal dadkiisu gaarayaan 197 milyan oo ruux, ayaa kamid ah dowladaha caalamka ee haysta hubka sidda weyn wax u gumaada ee Nukliyeer-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM