Prof Yaxye oo kashifay cida lala damacsanaa qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Professor Yaxye Sheekh Caamir, oo ah aqoonayahan caan ah, oo aad falan-qeeya Siyaasadda, islamarkaana dhaliila hab-dhaqanaka madaxda Villa Somalia, ayaa maanta ka badbaadey qarax loogu xiray gaarigiisa.

"Waxaa qarax lagu xiray baabuurkeeygii, weliba kursigii aan fadhiyay, markaa anniga baabuurku waa ii soo socday waxaana waday wallaalkey oo halkii uu igu dajiyay iigu imaanayay Kadibna isaga oo aan weli isoo gaarin ayuu gaarigu qarxay," ayuu yiri Yaxye.

Qaraxa oo dhacay maanta galabnimadii waxana uu gaariga ku qarxay Isgoyska Dabka, xilli mashquul badan uu ka jiray, waxaana la xaqiijiyay inuu ku geeriyoodey Cumar Sheekh Caamir, oo xilligaasi kusii jeeday meel uu kasoo qaadi lahaa walaalkiisa Yaxye.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, iyadoo sheegtay inay la damacsanayd in lagu khaarijiyo Prof Yaxye Sheekh Caamir, oo ay sheegtay inuu yahay sarkaal ka shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha.

Gaariga Professor Yaxye oo ku gubanaya Isgoyska dabka kadib qaraxa [Sawirka: Online]

Labo qarax oo ahaa kuwa baabuur lagu soo xiry ayaa ka dhacay hal watqi maanta, iyadoo midka labaad uu ka dhacay dhabarka dambe ee Makka Al-Mukarama Hotel, kaasi aan la sheegin khasaaraha ka dhashay.

Wareysi kooban oo uu siiyay VOA-da, ayuu ku sheegay Professor Yaxye in Muqdisho ay wax ku dileen 7 koox, islamarkaana uusan garaneynin cida qaraxa ugu xirtay gaariga, ee doonaysay inay qorshoolkaasi ku disho.

Qaraxyadan mattaanaha ahaa ayaa qeyb ka ah falal lid ku ah amniga oo ka dhacayay maalmihii dambe magaalada caasimadd ah, iyadoo ay kusoo beegmayaa xilli dhawaan Madaxweynaha HirShabeelle sheegay in Al-Shabab DF la maamusho Muqdisho.

Dhacdadii maanta ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay gudaha fasalkii ay ka dhiganeysay Jaamacadda Somalia lagu dilay Gabar Aamina Xuseen, oo la sheegay inay ahayd dhame katirsan hay'adda Nabad Sugida Dowladda ee NISA.

Ciidamo Boolisk ah ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada bishii lasoo dhaafay kadib markii uu fashilmay qorshihii Xafiiska Ra'iisul Waasaraha wadey ee ciidamada xasilinta loogu sameeyay inay sugayaan xasiloonida Muqdisho, balse shaqeyn waayay.

Beegsiga iyo dilalka aqoonyahanada ka fekerka duwan dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo ayaa soo badanayay tan iyo markii Agaasiimihii hore ee Villa Somalia, Fahad Yaasiin loo magacaabay bishii August 2018 Taliye ku xigeenka NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM