Puntland iyo UNCEF oo daahfuray mashaariic la fulinayo shan soo socota

Image
Dowladda Puntland ayaa soo saari doonta Habraac iyo Hage ay ku cadahay nidaam iyo hanaan lagula soconayo mashaariicda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Shirka Dowladda iyo Hay’adda UNICEF, Kaasi oo lagula ogaanayo mashaariicda horumarineed ee UNICEF ka fulinayso Puntland 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo boggaadiyey shaqada UNICEF ka hayso Soomaaliya gaar ahaan Puntland, ayaa la wadaagay Shirka in laga wada shaqeeyo hufnaanta mashaariicda sii loo hubiyo in caawimaadu gaartay dadkii loogu talagalay.

Dowladda Puntland ayaa soo saari doonta Habraac iyo Hage ay ku cadahay nidaam iyo hanaan lagula soconayo mashaariicda sida, qaabeynta, qosheynta, fulinta iyo qiimeynta in laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa. Habraacan ayaa fududeyn doona wada shaqeynta Dowladda, Hay’adaha fulinaya iyo deeq bixiyaha maalgeliyay.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasaraadaha Qorsheynta , Caafimaadka , Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada , Cadaaladda, Haweenka , Gargaarka, Ururada Bulshada iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM