Puntland oo gacanta ku dhigtay gaadiid dagaal iyo askar taabacsan dowladda Soomaaliya

Image

Garowe – Saraakiisha Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo askar ka tirsan Ciidanka PSF, kuwaas oo uu ku jiro sarkaal ka mid ahaa kolonyada.

Sida ay Puntland sheegtay, gaadiidka iyo askarta ayaa loo gudbiyay hay'adaha ammaanka, inkastoo aan weli la shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta loo qabtay ama halka ay ku wajahnaayeen.

"Cid kasta oo dhahda Federaal ayaan nahay sidaas ayaa u dambeyn doonta" Taliyaha ciidamada Puntland ee guutooyinka Calmiskaat Col, Maxamuud Shire oo ka hadlayay duleedka magaalada Laag oo uu dagaalka ka dhacay.

Xiisadda ayaa la sheegay inay bilaabatay markii ciidamo ka tirsan PSF oo ka yimid Boosaaso kuna sii jeeday degmada Xaafuun lagu hakiyay buundo u dhow deegaanka Laag, taasoo sababtay ismari-waa iyo rasaas kooban oo labada dhinac ay isweydaarsadeen.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo muddo bil ka hor ah Puntland ay mamnuucday isku socodka gaadiidka dagaalka iyo askarta hubeysan ee aan ku jirin howlgallo rasmi ah oo ay fasaxeen hay'adaha ammaanka.

Gaadiidka la qabtay ayaa la sheegay inay lahaayeen ciidamada PSF. Arrintan ayaa sidoo kale imanaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan ku dhawaaqday in ciidamada PSF ay ka mid noqdeen Ururka 17-aad ee ciidamo ay sheegtay inay ka qoratay gudaha Puntland.

Hase yeeshee, madaxda Puntland ayaa si cad u diiday tallaabadaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn isla markaana aan laga aqbali doonin Puntland.

Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska PSF kama aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan qabashada gaadiidka iyo askarta. Xiisadda u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa ah mid ku saleysan dastuurka, doorashooyinka iyo arrimaha Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM