Qadar oo Gaadiid siisay dowlada Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qadar ayaa maanta soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho Deeq Gaadiid ah iyo Labo Wiish, maalin kadib markii Imaaraadka uu shaaciyay inuu joojiyay taageeradiisa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gaadiidkan oo ah Basaska dhaadheer oo gaaraya 30 xabo ayaa lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir, iyadoo lagu wado in loo qeybiyo 17-ka degmo ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Cismaan Daallo, oo ah ku xigeenka Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka ayaa Deeqdan kula wareegay munaasabad kooban oo lagu qabtey Dekedda Muqdisho.

Wasiirka ayaa aad uga mahadceliyay Qadar Basaska ay ugu deeqday, isagoo ku tilmaamay taageerada mid wax ku ool ah oo looga faa'idayn doono shacabka ku dhaqan Caasimadda.

Dowladda Qadar ayaa Deeqdan usoo marisay Safaaradeeda magaalada Muqdisho, iyadoo ay kusoo beegtay xilli uu khilaaf diblomaasiyasadeed oo sii xumaanaya Soomaaliya kala dhaxeeyo dowladda Imaaraadka.

Qadar ayaa tartan iyo galgan ugu jirta sidii Imaaraadka iyo Soomaaliya xiriirka isagu jari lahaayeen, oo Safaaradaha u kala qaadan lahaayeen, maadaama wadankan uu kala dhaxeeya Khilaaf gaamuray oo soo billowday bishii June 5, 2017.

Imaaraadka, Bahrain, Sacuudiga iyo dowladdo kale oo carbeed ayaa xiriirkii u jaray, islamarkaana go'doomin cirka, dhulka iyo badda kusoo rogay Qadar sanadkii tagey, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Kooxaha argagaxisada Caalamka.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay socdaan wadahadallo ay ku qaboojinayso xiisadda Siyaasadeed ee kala dhaxayso Imaaraadka, iyadoo dhanka kale qirtay in lacagtii 8-dii bishan ku qabatey Garoonka Muqdisho ay ku socotay Ciidankeeda.

Imaaraadka ayaa gacanta ku hayay, oo tababar iyo mushaar siinayay in ka badan 2,000 oo Askari oo kamid ah Ciidamada dowladda Federaalka, kuwaasi oo hadda soo wajahday hubanti la'aan maadaama uu Imaaraadka joojiyay taageeradiisa.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM