Qadar oo guddi farsamo u soo direysa dhismaha dekada Hobyo

Image
Image
Image

DOOXA, Qadar – Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo gaarey magaaladda Dooxa, caasimadda Qadar, ayaa durba wuxuu la kulmay ra'iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Khayre iyo Al Thani, oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibadda, ayaa shirkooda gaarka ah waxay ku lafa-gureen arrimo ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa cilaaqaadka labadda dowladood.

Cabdirisaaq Faarax Cali, safiirka Soomaaliya u fadhiya Dooxa oo kulanka ka warbixiyey ayaa shaaca ka qaaday in qodobada la isla soo qaadey ay ku jiraan sidii loo fulin lahaa mashariicyo ay horey u balanqaadey Qadar.

Mashriicdaasi horumarineed oo uu wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah iyo madaxweyne Farmaajo dhagax dhigeen ayaa kala ah; wadada isku xirta Muqdisho-Afgooye iyo dhismaha dekada Hobyo.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Qadar ay dhowaan soo diri doonto guddi farsamo oo ka shaqeyn doona sidii loo bilaabi lahaa fulinta mashaariicdaasi si gaar ah dekada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka madax banaan ayaa waxay intaasi ku darayaan in kulanka lagu soo qaadey xaaladda siyaasadeed ee wadanka guud gaar ahaan xiriirka sii xumaanaya ee dowlada iyo maamualda qaar.

"Kulanka waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in la dardargeliyo mashaariicdii ay Qadar balanqaaday in ay fulineyso ee jidka Muqdisho-Afgooye iyo go’aan laga gaarey dekada Hobyo oo ay sheegeen in ay dirayaan guddi farsamo oo ka shaqeynaya sidii loo bilaabi lahaa shaqadeeda," ayuu danjire Cali ku yiri muuqaal laga soo jar-jaray oo xafiiska ra'iisul wasaaruhu u soo diray qaybo kamida warbaahinta.

Mashriicda ay Qadar fuliso ayaa la sheegay in ay ku xirto shuruudo siyaasadeed xili madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uu ku eedeeyay xukuumada in ay is hor-istaagtay kuwa kale oo degaanadooda laga fulin lahaa.

Socdaalka uu Khayre ku tegay Qadar, oo Farmaajo ku taageertay doorashadii 7-dii Febraayo, ayaa wuxuu imaanayaa xili ay Jubbaland kusoo fool-leedahay coddeynta madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo kaashaneysa xukuumada Dooxa ayaa lagu waramayaa in ay ka shaqeynayaa sidii daaqada looga saari lahaa Axmed Madoobe oo mar kale qorsheynaya in uu isa soo sharaxo.

Mashruucyaddaasi oo ay ku baxeyso balaayiin dollar ayaa waxaa nan wali loosoo bandhigin saxaafadda cadadka guud ee lagu qarash-gareyn doono, taasi oo su'aallo dhalisay.

Qadar ayaa lagu wareejiyay dekadda Hobyo xili gobolka uu ka socdo loolan dhanka marsooyinka ah oo u dhaxeeya dalalka Carabta xili dowlada lagu eedeeyay in khilaafkii Khaliijka ay la safatay Dooxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM