Qadar oo maalgalisay shirkii OIC ee ku qabsoomey Muqdisho [DAAWO]

Image

MUQDISHO - Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Qadar ay bixisay “gabi ahaanba” lacagaha suurageliyay in shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ka qabsoomo caasimada dalka ee Muqdisho.

Shirka oo uu daah-furay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 17 dal, kuwaasi oo wasiiru arrimo dibadeedyadooda soo dirsadeen wakiilo, kuwaasoo isugu jiray ku xigeeno, kaaliyeyaal, xog-haye iyo wasiiru dowlayaal.

Shir gudoonka waxaa si wadajir ah u hayey Wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Wasiiru dowlaha Qadar iyo Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Kuwait, waxayna jeediyeen madaxdani khudbado ay diiradda ku saareen xaaladda dalka.

“Qadar waxay kaloo ahayd dalkii suurtageliyay inuu shirkaan qabsoomo. Kaalmo dhaqaale oo shirka lagu qabto ayey soo direen,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo marka uu soo idlaaday kulanka la hadlay warbahinta, isagoo fahfaahin ka bixiyey qodobada kasoo baxay shirka.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa si wayn ugu dhowaa xukuumada Dooxa tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka dalalka Khaliijka. Qadar ayaa gacan weyn ka gaysatey doorashada Madaxweyne Farmaajo iyadoo gacansaar dhow la leh taliyaha hay'adda NISA.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in qodobada kale ee shirka kasoo baxay ay kamid in xafiiska kooxda loosoo wareejiyo Muqdisho iyo inay kordhiyaan dalalka xubnaha ah taageerada ah siiyaan dowladdu kaalamda dibada ah ku tiirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM