Qalbi Dhagax oo hadlay, fartana ku fiiqay cida Itoobiya u gacan-gelisay

Image

ADDIS ABABA - Cabdi Kariin Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax], oo markii ugu horeysay la hadlay saxaafadda tan iyo markii laga soo daayay Xabsiga Todobaadkii tagey, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira qabashadiisa Soomaaliya iyo sida uu u arko sii deyntiisa.

Qalbi Dhagax oo toban bilood ka hor ay dowladda Federaalka Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya, ayaa sheegay inuu ku farax-san yahay in dib uu u helo xorriyadiisa, isagoo dhanka kale uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay uga dhiidhiyeen dhiibistiisa.

"Soomaalidu waa dad isku mid ah, oo leh hal diin, hal dhalasho, waana hal Ummad, sabab ay ku kala tagi karaana ma jirto, waxayna ka mideysan yihiin damiirka walaalnimo iyo Soomaalinimo wixii kala qayb-gabinaya waa cadow Soomaaliyeed," ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay inuu diyaar u yahay ka shaqaynta midnimadda Shacbiga Soomaaliyeed, oo uu ku howlanaa wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991-dii in markale uu dalkan cagihiisa ugu istaago.

"Waxaan ku guulaysan doonaan Ilaahey magaciisa iyo kartideena waxay noqon doonaan Ummad gaarta aayaheeda iyo qiyamkeeda," ayuu Qalbi Dhagax hadalkiisa raaciyay.

Qalbi Dhagax ayaa hadalka ka sheegay goob ay isagu soo baxeen dadweyne iyo eheladiisa oo ku taalla magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Itoobiya.

Cabdi Kariin Qalbi Dhagax, oo ah Sarkaal sare oo katirsan Jabhadda ONLF ma uusan soo hadal-qaadin wax ku saabsan sababta loo xiray, cidda rasmiga ah ee ka dambeysay in loo dhiibo Itoobiya, balse waxa uu carabka ku dhuftay in shaqsiyaad yar, oo uusan carabaabin.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii dowladda Itoobiya ay soo deysay Qalbi Dhagax, xili xabsi ku yaala Itoobiya ku jiray muddo ku siman Tobban bilood, waxaana sii dayntiisa si wayn usoo dhaweeyay Umadda Soomaaliyeed oo idil.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa madax-xanuun siyaasadeed iyo culeysyo badan kala kulantay dhiibistiisa ay Qalbi Dhagax u dhiibtey dowladda Itoobiya bishii September ee 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM