Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Image
Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog uu baahiyay Garowe Online maalmo kahor, ayaa waxaa maanta xaqiijiyay xafiiska QM ee Muqdisho UNSOM United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM, taasoo ahayd in la bedelayo Catriona Laing.

Maanta, Catriona Laing ayaa shaacisay inay soo afjarayso shaqadeeda Soomaaliya 21-ka May 2024, iyadoo noqonaysa ergaygii ugu waqtiga gaabnaa oo UN-ka usoo magacaabo dalka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bisha Maajo.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida – shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Mw. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Hawshii loo xilsaaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee halka sano ahayd waxay ku egtahay 21ka bisha Maajo.


Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka, oo Soomaaliya kala qeybiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM