Qarax aan horey loo arag oo ka dhacay Muqdisho [Fah-faahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ka duwan kuwoo horey uga dhici jiray Muqdisho, ayaa saaka ka dhacay suuq ku yaalla Xaafadda Siinaay, qeybta Degmada Wardhiigley kaasoo uu ku dhaawacmay ugu yaraan hal ruux.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday Gaari-gacan, kaasi oo la dhigay Suuqa xilli uu ka jiray mashquul badan oo dadka degaanka ku guda jireen jadwal maalmeedkooda.

"Walxaha qarxa ayaa lagu soo hoos-qiriyay Gaari-gacanka, oo la dhigay Suuqa Siinaay, kaasoo qarxay kadib markii uu ka tagey ninkii watey ee meesha soo dhigay, waxaana ku dhaawacmen hal ruux oo shacab ah," ayuu yiri Xasan Barre, oo ah goobjooge.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya, ayaa goobta xiray, iyadoo aad loola yaaban yahay qaraxa dhacay, oo ah mid ku cusub indhah aiyo dhegaha shacabka Muqdisho, maadaama Gaari-gacan loo adeegsaday.

Hay'adaha amniga ayaa sameeyay baaritaan, balse lama soo sheegin cid loo soo qabtey qaraxa, balse waxaa falkan loo maleynayaa inay ka dambeyso Al-Shabaab.

Amniga Muqdisho ayaa ah mid jilicsan, oo aan la isku halleyn karin, iyadoo ay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ku fashilantay qorshooyinka lagu sugayo amniga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM