Qarax Askar lagu dilay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, ayaa lagu dilay kadib Qarax Miino oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka.

Weerarkaan Jidgalka ah oo ka dhacay duleedka degmadda Wanlawayne ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa xubnaha lagu dilay kamid ah sarkaal sarre, kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Saciid.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabellaha Hoose, Cabdi Fataax Xaaji oo wareysi siiyay Warsidaha Garowe Online wuxuu xaqiijiyay dhimashadda Askarta, iyo saraakiisha, inkasta oo uu diiday inuu faahfaahin bixiyo.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in Kolanyadda la weeraray ay kasoo baxaan degmadda Wanlawayne, islamarkaana ay kusii jeedeen garoonka Biladoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidamo Ajnabi ah iyo kuwa kale.

Wararka ayaa waxay sheegayaan inuu jiro khasaaro dhaawac oo tiro badan, kaasoo ka dhashay weerarkaan, balse, mar aan wax ka weydiinay Gudoomiye Xaaji wuu ka gaabsaday.

Laakiin, dadka deegaanka ayaa usheegay Warsidaha Garowe Online inay arkeen dhaawaca Lix kamid ah askarta ciidamada dowladda, kuwaasoo lasii gelinayo Saldhiga Biladoogle ee isla gobolka.

"Qaraxu wuxuu ahaa Miino ay kuwa argigixisadda ah wadada ku aaseen ayna la kacday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, Saddex oo uu sarkaal ku jiro ayaana nooga shahiiday," ayuu Gudoomiye Xaaji.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse, waxaa inta badan Qaraxyadda iyo falalka lidiga ku ah amaanka ee ka dhaca gobolka sheegtay kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag kala soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Amaanka wada isku xirta Muqdisho iyo goboladda Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, wuxuu ahaa mudooyinkii dambe mid xun, iyadoona ay ka dhaxeen Qaraxyo lagu laayey Askar ka tirsan dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM