Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu ka dhacay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasha iyo dhaawac.

Xildhibaan C/risaaq Maxamed, oo horey dowladdii Xasan Sheekh usoo noqday Wasiirka Amniga ayaa xaqiijiyay in Labo Xildhibaan ay orod ku galeen Gurigiisa oo ku dhaw meesha uu qaraxa ka dhacay, iyagoo naftooda la baxsanaya.

C/risaaq ayaa sheegay in Xildhibaanadan oo kala ah C/kariin Aw Cali Shabeel iyo Maryan Cariif ay bad-qabaan, balse mid kamid ah ilaalada Maryan Cariif uu ku geeriyoodey qaraxa, iyadoo mid kale loola cararay Isbitaal.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa lala eegtay bar-koontarool oo ku dhaw xaruntii hore ee Baarlamaanka, oo aan ka fogeyn aqalka Madaxtooyadda.

Qiiq iyo Uuro ayaa cirka isku shareeray qaraxa kadib, iyadoo la maqlay rasaas xooggan oo loo maleynayo inay ridayeen ciidamada booliska ee ku sugan barta Koonatarool.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiiin ayaa sheegay in hal Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhaawacamay weerarka, oo mas'uuliyadiisu sheegatay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM