Qaraxyo ka dhacey Ceel-waaq iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

CEEL WAAQ - Ugu yaraan labo qof ayaa kuu geeriyootey, lix kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, maanta oo Khamiis ah.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online in qaraxyada lala eegtay Makhaayado Shaah lagu iibiyo oo ku yaala meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada, halkaasi oo ay inta badan fariistaan Askarta dowladda Soomaaliya.

Labada qarax ayaa loo adeegsaday miinooyin lagu aasay Makhaayadaha xalay markii laga hoyday, kadibna saaka lagu qarxiyay Ramote-control-ka meelaha fog laga hago.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartey inay ka fuliso degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka dalka inay ka fuliyaan falalka noocaan ah.

Mas'uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka ayaa ku eedeeyay inay Qaraxaan ka dambeysay Al-Shabaab, iyaga oo tibaaxey inay sameynayaa baaris ku saabsan qaabka uu qaraxu udhacey iyo waxa dhaliyey.

Gobolka Gedo oo hoos-yimaada maamulka Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay ka fuliso kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida falalka noocaan ah, inkastoo dhowaanahan aanan lasoo warin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM