Qarax dhimasho badan dhaliyey oo ka dhacay gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ugu yaraan shan ruux ayaa ku naf-waysay – saddex ilaalo iyo laba shacab ah – ka gedaal qarax ka dhashay Miino oo Arbacada maanta ah ka dhacay Diinsoor ee gobolka Baay.

Laba kale oo ilaalo ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen falkan, kaasi oo laga soo wariyey goob mashquul badan oo magaaladda ka tirsan.

Gudoomiyaha degmada ayay saxaafadu warineysaa in uu ahaa bartilmaameedka weerarka, kaasi oo meesha musiibaddu ka dhacday ka akdhowaa.

Saraakiisha ammaanka maxaliga ah oo ka falceliyey mashaqadan ayaa ku eedeeyay maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Diinsoor oo kamid ah magaalooyinka go’doonka ay gelisay kooxdaasi ayaa 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho, caasimada dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika ee Soomaaliya.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya iyada oo ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre uu ku sugan yahay degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool magaala madaxdiisa ee Xudur.

Khayre oo halkaasi ka dhagax dhigay mashaariicyo horumarineed oo isugu jira dhismaha waddo xariggana ka jiray Isbitaal cusub ayaa balanqaadey in la xorreyn doono degaanada ay haysato AlShabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM