Qarax dhimasho iyo dhaawac sababey oo ka dhacey duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO - Ugu yaraan Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay tirro kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey Qarax Miino oo ka dhacay duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, galab-nimadii Talaadada ahayd, sida ay Garowe Online u sheegeen goobj-joogayaal.

Qaraxa oo lala beegsaday Gaari nooca raaxadda ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Jamaacadii hore ee Lafoolle iyo Buunda Carbiska ee duleedka magaalo madaxda dalka Soomaaliya, inkasta oo cida saarneed Baabuurka ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid aad u culus, baabuur nooca raaxadda ah ayaa lala beegsaday. Labo qof oo meyd ah ayaan arkay, dad kale oo dhaawac ah,” sidaasi waxaa Telafoonka ugu sheegay Warsidaha Garowe Online, qof kamid ah dadka degaanka meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaan, balse, kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh shabakadda Al-Qaacida, ayaa falalka noocaan ah ee amniga liddiga ku ah ka fuliya degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya, kuwaasoo dhaliya khasaaro kala duwan.

Qaraxaan ayaa wuxuu dhacayaa xili dalalka Islam-ka shalay iyo maanta looga dabaal-degayo munaasabadda Ciidul Adxaa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM