Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku geeryootay kadib markii qarax culus uu ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, maanta oo Axad ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Goobjooge ayaa sheegay inay arkey afar meyd oo askari dowladda ah iyo labo ruux oo shacab ah, kuwaasi oo ku dhintay Qaraxa oo ahaa Miino wada dhinaceeda la dhigay.

Gaariga qaraxa lala beegsaday oo ay la socdeen ciidamada dowladda ayaa ahaa nooca loo yaqaano Cabdi Bilaha, kaasi oo weerarkaan la kow-saday xili ay marayeen degaanka Siinka Dheere ee duleedka magaalo madaxda dalka.

Ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda weerarkani, inkasta oo dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca gudaha, daafaha iyo duleedka Muqdisho looga bartay xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii weerar kan lamid ah oo ka dhaca meel ka baxsan tuulada Dhanaane oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Labo sarkaal oo sare iyo Todoba askar oo ilaalo u ahayd.

Saraakiisha la dilay oo kala ahaa Taliyihii iyo Abaanduulihii qayba 12-ka April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu MIlatariga dalku ka dhawaajiyay inay qaadi doonan guluf aargoosi oo ka dhan ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM