Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii dambeeyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay meel ku dhaw Makhaayadda "The Village Resturent" oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo ku qarxay afaafka Makhaayadda, iyadoo ay xigtay rasaas xooggan oo la maqlay qaraxa kadib.

Uuro madow aya cirka isku shareertay iyadoo jugta qaraxa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta gaarey gaadiidka gurmadka oo dhaawacyada u daabulaya Isbitaaladda.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay jiraan khasaare dimashada iyo dhaawaca, balse aan tirada rasmiga ah wali la xaqiijin karin, maadaama ay xaaladu tahay mid cakiran, oo gurmad uu socdo.

Qaraxa ayaa dhacay xilli lagu jiray salaadda Maqribka, iyadoo Makhyaadda ay buuxeen dad badan, oo halkaasi u tagey inay ku shaaxaan, iyo qaar Hotel-ka degan, oo mas'uuliyiin ay ku jiraan.

The Village waxay ka kooban tiro makhaayado ah oo ku yaala meelo kala duwan magaalada, waxaana horey u weerartay Kooxda Al-Shabaab.

Fahfaahin kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM