Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo fahfaahin kasoo baxaysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax gaari ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geestay Khasaarooyin kala duwan oo dhimasha iyo dhaawac isagu jira.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa mid culus uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Maana-Booliyo, ee degmada Shibis. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho.

Qaraxa ayaa loogu xiray Gaari nooca raaxadda oo uu watey nin lagu magacaabi jiray Cabdalla Axmed Cabdalla, kana kamid ahaa Jaaliyadda Yemen ee ku nool Muqdisho, kaasi oo isla goobta ku geeriyooday.

Meydka ninkan ayaa loo qaadey xarunta debmi baarista ee CID-da, waxaana socda baaritaan ku aadan qaraxa lagu dilay, oo u muuqda mid isaga loogu tala-galay in lagu khaarijiyo.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, sidoo kalena wali Saraakiisha amniga dowladda fahfaahin kama aysan bixin sababta loo beegsaday ninka kasoo jeeda Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM