Qarax xoogan oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa fiidnimadda Arbacadda, 18-ka September 2019, waxa uu ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto, wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho.

Mahad Xuseen, kabtan ka tirsan bilyeka Soomaaliya ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in meesha uu weerarku ka dhacay ay ku yaaliin maqaaxiyo badan.

"In uu is-miidaamin ahaa iyo in gaariga meesha la dhigay baaritaan ayaan ku wadnaa," ayuu Xuseen ku daray hadalkiisa, isaga oo ka gaabsadey bixinta macluumaadyo dheeri ah.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay Miino.

Jugta qaraxa oo aad u xooganeyd ayaa waxaa laga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda Soomaaliya xili meesha ay wax ka dhaceen ay tageen ciidanka booliska.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo xiliyadda fiidkii ah mid mashquul badan ayaa waxaa bar kontarool oo gaadiidka lagu hubiyo ku leh ciidamadda ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa ah mid aanan wali kala caddeyn. Sidoo kale, ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan argagixiso.

Lama ogga hadii bartilmaameedka uu ahaa meesha uu gaarigu ku qarxay ama in uu damacsanaa in uu uga sii gudbo qeybaha kale ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliska Booliska dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo mareega GO u xaqiijiyey falkan ayaa wuxuu ka gaabsadey in uu tafaasiil dheeraad ah uu ka bixiyo dhacdadan.

Barinimadii maanta, qarax ka dhashay Miino oo duleedka Muqdisho lagula eegtay kolanyo ay la socdeen Injineero Turki ah ay ku dhaawacmeen Injineero Turki ah iyo laba askar oo ilaalo u ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM