Qarax gaari oo khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho, galabnimada Arbacadda maanta ah.

Qaraxa ayaa laga soo wariyay afaafka hore ee makhaayad ku taala nawaaxiga saldhiga Booliska degmada Waaberi oo ku dhow isgoyska Dabka.

Inta la xaqiijiyay afar qof oo shacab u badan ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, xili tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay Booliska.

Gaadiidka gurmadka degdega ah oo goobta soo gaarey daqiiqado kadib markii uu weerarku dhacay ayaa daabulay dhaawaca.

"Qarax uu sababay gaari walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa ku qarxay iridka makhaayada oo ku taala wadada Maka Al Mukarama," ayuu yiri Daahir Axmed, oo bileyska ka tirsan.

Wali ma cadda halka uu ahaa bartilmaameedka, hasayeeshee, saraakiisha amaanka ayaa rumeysan in uu ahaa makhaayada Barwaaqo.

"Lama ogga hadii gaariga uu qof saarnaa ... waxayse u badan tahay in goobta lagu baakimay," ayuu Salaad Axmed, oo kamid ah dadka ku ganacsatada aagaasi.

Ma jirto koox illaa iyo hadda dusha saaratay qaraxaasi, oo noqonaya midkii labaad ee maanta oo kaliya ka dhaca magaala madaxda Soomaaliya.

Cabdi Dheere, taliyaha sirdoonka Galmudug, ayaa ka badbaaday qaraxii koowaad, oo ka dhashay gaari uu lahaa oo qarxa loogu soo xiray.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda shilkaasi oo ka dhacay meel ku dhow isgoyska Shaqaalaha ee wada Maka Al Mukarama.

Qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya xili ay ka socdaan howlgalo uuna Booliska soo saarey digniin la xiriirta gaadiid miineysa oo ku jira magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM