Qarax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, laba kelana way ku dhaawacmeen markii qarax uu maanta oo Axad ah ka dhacay magaaladda Dhuusamareeb, caasimada Galmudug.

Sidda ay sheegeen saraakiisha amniga maamul goboleedkaasi, shaqsiga geeriyooday uu ahaa Askari.

Shan qof oo kale ayaa Ku dhaawacmay qaraxa oo ahaa miino lagu assay Makhaayad shaah laga cabo.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhacay meel ku dhow maqaayad Shaaxa laga cabo oo ku taala agagaarka Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadda oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uu ku sugan yahay magaaladda, oo uu dhowaanahaanba kulamo kula yeelanayey Odayaasha Dhaqanka.

Si lamid ah, waxaa shalay magaaladaasi dhacda bartamaha Soomaaliya tegay wafdi ka socdey Wasaaradda Gaashaandhiga Qadar, kuwaasi oo wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka la kulmay.

Bishii Maaj ayay ahayd markii magaaladda Guriceel lagu qabtey ruux isku soo xiray walxo qarxa oo damac-sanaa in uu isku miidaayo goob ay ka socotay munaasabad ayna goobjoog ka ahaayeen hogaanka Ahlu Sunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM