Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baardheere iyo wararkii ugu damabeeyay

Image

BAARDHEERE, Somalia - Qarax culus, oo ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay maanta oo Sabti ah magaaladda Baardheere, ee gobolka Gedo, kaasoo lala eegtay saldhig military.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarka, oo uu fuliyay naftii-hurre watay Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasoo lala eegtay saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha magaaladda.

Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay in qaraxa ismiidaaminta ay ku dhinteen 16 Askari oo Itoobiyaan ah, inkastoo aysan jirin warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadeeda.

Magaaladda Baardheere waxaa laga saarey Al-Shabaab July, 2015, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay maamulayeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya, oo amaanka sugaya.

Wixii kusoo kordha qaraxa, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM