Qarax Ismiidaamin ah oo lagu fashiliyay Guriceel [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamo sugan Guriceel oo katirsan gobolka Galgaduud ayaa kahor tagey qarax Ismiidaamin ah oo la dooneyay in lagu weeraro munaasabad ka socotay magaaladda.

Wararka ayaa sheegay in nin isku soo xiray walxaha qarxa lagu qabtey meel fagaaro ah, oo ay isagu soo baxeen Askar iyo dadweyne xuseyay dagaalyahanadii Ururka Ahlu Sunna uga geeriyoodey dagaalka Al-Shabaab.

Sawirro goobta laga soo qaadey ayaa muujinaya dhowr Askari oo dhulka ku jiidaya nin la sheegay in la legday isagoo kusoo jeeda qeybta ay fadhiyaan saraakiisha sare, isagoo doonayay inuu fuliyo qarax ismiidaamin ah.

Ninkan ayaa iska dhigay inuu yahay "Gabyaa" waxaana uu isku dayay inuu la wareego Microphone-ka goobta xuska uu ka socday, balse ay ogaadeen ciidamada amniga, kadibna ay kahor tageen inta uusan is-qarxin.

Dadweynaha iyo Askarta ayaa isagu tagey ninkan rabey inuu is-qarxiyo, iyagoo ku sameeyay jirdil, sida ka muuqata sawiradda, waxaana la ogeyn waxa uu maamulka Guriceel ka yeeli doono shaqsigan.

Al-Shabaab ayaa laga saarey degaanno iyo degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Galgadauud, kadib markii duulaan culus ay kusoo qaadeen malleeshiyaadka Ahlu Sunna, oo hadda gacanta ku haya Dhuusamareen, Guriceel iyo degaanno hoostaga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Dagaal ka ku socda Deegaanno Hoostaga Moqokori

Saraakiil amni ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay tahay in la jebiyo isku-day kasta oo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo Taageero Dhaqaale u raadinaysa Howlgalka AUSSOM

Howlgallada Midowga Afrika ayaa noqday ku fashil ah oo aan kasoo bixin natiijo wanaagsan, maadaama Al-Shabaab wali awood leedahay.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 12:55PM