Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya  - Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, oo uu la socday qof naftiise hure ahaa ayaa lagu waramayaa inuu ku qarxay Albaabka laga galo xarunta degmadda Howlwadaag ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen sarakiisha amaanka.

Qaraxa oo jugtiisu ahayd mid aad u culus ayaa waxaa laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha caasimadda Soomaaliya, waxaana la sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aanan la hubin tiradda saxda ah.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa kusii qulqulaya halka ay wax ka dhacayn, iyaga oo kasoo daabulaya dhaawacyo isugu jira Askar iyo shacab, kuwaasoo weerarkaan wax ku noqday.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan falalka noocaan ah ee ka dhacay Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho dhabarka saarta.

Fahfaahin dheeraad ah, kala soco Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM