Qarax iyo Dilal ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax iyo dilal kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho shalay oo Khamiis ahayd, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxaan dhacdooyinkan oo ah kuwa hadal-heyn abuuray.

Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray Gaari-gacan, ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta koowaad ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, ee Suuqa Bakaaraha, sida uu xaqiijiyay Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxan oo dhalay galabnimadii shalay, maadaama uu ka dhacay meel banaan ah oo la dhigto gawaaridda [Car Parking], oo irida Shirkadda Hormuud ku taalla.

Saacado kadib qaraxa, waxaa Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda Hormuud Telecom, kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Raage.

Falkan dilka ah waxaa fuliyay labo nin oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo goobta isaga baxsaday kadib dilka Maxamed, iyadoo aan wali la aqoon cida ay katirsan yihiin iyo sababta ay ninkan u khaarijiyeen.

Labo maalin kahor, waxaa Xaafadda Baar-Ubax lagu dilay labo kamid ahaa isla Shirkadda Hormuud.

Dil kale ayaa ka dhacay Xaafadda Sey-biyaano ee degmada Hodon, kaasoo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Garaad Yaasiin oo ka howlgali jiray shirkad ka shaqeysa daabacaadda boorarka oo Muqdisho ku taalla.

Lama oga sidoo kale cida ka dambeysa dilkan iyo sababta.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogdey in sababta beegsiga Shaqaalaha Hormuud uu ka dambeysy markii Shirkaddan maamulkeeda uu diiday dalab uga yimid Kooxda Daacish oo ah inay bixiyaan lacago baad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM