Qarax iyo dilal ka dhacay Muqdisho [Wararkii ugu dambeeyay]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay qarax culus lagula eegtay inta u dhaxeysa Haantadheer iyo Isgoyska EX-control Afgooye, galbeedka magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga dowladda Soomaaliya, oo goobta gaarey ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay, waxaana uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo dhamaantood shacab wadada marayay ahaa ayaa ku geeriyootay qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo Askari oo saarnaa gaariga miinada lala rabey.

Dhinaca kale, dabley hubaysa ayaa isla xalay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay labo qof, oo mid kamid ah la sheegay inuu ahaa Askari katirsan Ciidamada dowladda, halka mid kale shacab ahaa.

Qaraxa iyo dilalkuba waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacida taasi oo mudooyinkii dambe kordhisay falalka lidigiga ku ah amniga Caasimadda xilli lagu guda jiro bisha Ramadan-ka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay Ciidamo gaar ah u xil-saartay amaanka magaalada, kuwaasi oo la geeyay dhamaan wadooyinka, balse taasi kama joojin Al-Shabaab inay fuliso weeraradeeda iyo dilalka beegsiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM