Qarax ka dhacay Baardheere iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BAARDHEER, Soomaaliya - Qarax miino ayaa saacadihii hore ee maanta oo Arbaco ah lagula eegtay ciidamada Itoobiya gudaha degmada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Mas'uul katirsan booliska, oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay qaraxa oo uu sheegay inuu haleelay Kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya meel ku dhaw saldhigga ay degmada ku leeyihiin.

Mid kamid ah gaadiidka ciidamada, oo la sheegay inuu ahaa Booyad biyaha qaada ayuu haleeyay qaraxa, waxaana Askarta ay rideen rasaas dhowr jiho, iyadoo ay waxyeellada ay geysatay aan wali la shaacin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa saaka ee degmada Baardheere ay ku dishay dhowr Askari oo Itoobiyaan ah, balse ma jiraan illo kale, oo ka madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadeeda.

Waxaa Baardheere ka dhacay bishan horaanteedii weerar Ismiidaamin ahaa, oo lagu weeraray saldhiga ciidamada Itoobiya ee Baardheere, waxaana ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasha iyo dhaaawac.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka howlgala degmooyinka gobolka Gedo, iyagoo ka gacan siinaya ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland howgallada Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay gacanta ku hayso.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM

Maraykanka oo laga yaabo inuu wadahadallo la furo Al-Shabaab

Ujeeddada kulamadaas, ayuu sheegay, waa in la ilaaliyo danaha Maraykanka iyo in shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 07:20AM