Qarax ka dhacay Beledxaawo xili uu ka bilowday dagaalka DF iyo Jubaland

Image

BELEDXAAWO, Jubaland – Fahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo, gobolka Gedo, gaar ahaan nawaaxiga xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Warbaahinta ku hadasha afka maamulka Axmed Madoobe ayaa baahisay in dagaalka uu yimid markii ciidamadda dowladda Soomaaliya ay weerareen fariisinka askarta Jubaland.

Illo dadka degaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dagaalka kahor la maqlay jugta qarax "aad u culus".

Ma cadda waxa loo adeegsaday qaraxyadda. Si lamid ah, waxaanan wali caddeyn khasaaraha labada dhinac.

Jubaland State Tv ayaa wariyey in ciidamadda dowlad goboleedkaas ay iska caabiyeen weerarka dowlada federaalka.

Ciidamadda Jubaland ee dagaalka galay waxaa hogaaminaya Cabdirashiid Janan, wasiirka ammaanka maamulkaas.

Janan waxaa baadigoobeysa Villa Soomaaliya, oo sheegtay in uu ka baxsaday xabsi ku yaala magaaladda Muqdisho.

Janan, oo aan haatan la ogayn halka uu joogo, waxa uu beeniyey eedaha ay dawladda Soomaaliya la xiriirinayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu dhaliishay Kenya inay faragelin ka waddo xuduudda gobolka Gedo iyo dalkaas, eedeymahaas oo xukuumadda Nairobi ku qeexday "kuwa siyaasadeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM