Qarax ka dhacay degmada Berdaale iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BERDAALE, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyoodey, lix kalena way ku dhaawacmeen qarax xoog leh oo maanta oo sabti ah ka dhacay degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta maamulka Koonfura Galbeed Soomaliya oo ku safraya duleedka degmada, waxaana la xaqiijiyay in ninka ku dhintay weerarka uu kamid ahaa gollaha degaanka Berdaale.

Mas'uulka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Falaar Liibaan Nuur, iyadoo dadka dhaawacmen ay isagu jiraan saraakiisha iyo askar la socotay kolonyada qaraxa miino lala eegtay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka degmada Berdaale, oo qiyaastii 25-KM u jirta magaallada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay, taasi oo gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM