Qarax ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin ku saabsan Khasaaraha]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacmay, oo labo kamid ah ay yihiin Askar, halka ruuxa kale uu yahay Shacab kadib markii Qarax uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, fiidnimadda caawa oo Arbaco ah.

Qaraxa oo noociisu ay kasoo baxayaan warar kala duwan, kaasoo laga maqlay Jugtiisa qaybo badan oo ka tirsan Magaalada ayaa la sheegay inuu ahaa mid Gaariga lagu soo xiray, oo ku qarxay dalcadda Taleex.

Goobjooge ayaa Telafoonka u sheegay Warsidaha Garowe Online, xafiiska Muqdisho in Qaraxa kadib ay goobta yimaadeen laamaha amniga, kuwaasoo saacado kooban hakad geliyay isku socodka, kaasoo haatan si caadi ah kusoo laabtay.

"Qarax wuu xooganaa, Gaari Cabdi Bile ah oo ay Shirka ka saarnaayeen Labo Askari ayaa ku dhaawacmay, ciidamo Boolis ah ayaa meesha yimid, iyagoo saacado xiray wada," ayuu yiri Goobjoogaha.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in Askarta wax ku noqotay weerarkaan Qaraxa loo adeegsaday loola caray xarumaha caafimaadka ee ku yaala caasimadda dalka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaan, balse dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka waxaa inta badan dhabarka saarta kooxda Al-Shabaab oo dagaalo culus kawada dalka Tobanaan sano.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii Qarax ka dhacay isla Aaga Taleex, kaasoo lagu beegsaday Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya, uu ugeystay khasaaro dhaawac ubadnaa, waxaana masuuliyadiisa sheegatay Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM