Qarax ka dhacay Muqdisho iyo fahfaahintii ugu dambeysay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhaawacmay qarax galabnimadii maanta oo Khamiis ah ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee magaaladda Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay bam lagu xiray gaari nooca Hilux [Qooqan], oo ay leedahay Shirkad lagu magacaabo DOCOL, taasoo qaabilsan dhanka Loojistikada [Logitics].

Qaraxa ayaa saameeyay gaari oo burbur gaarsiiyay, waxaana uu hakad geliyay isku socodka jidka Makka Al-Mukarama, oo ah mid aad u mashquul badan, oo sidoo kale ay isticmaalaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ayaa xiray goobta oo mudo daqiiqado ah halkaasi ku sugnaa, waxaana ay meesha ka jiideen gaariga qarxay, oo lagu hayo baaritaan halka loogu soo xiray bamka.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo kusoo beegmaya maalmo yar kadib markii ciidamada booliska dowladda ay labo weerar ku fashiliyeen degmada Hodon [Halkan ka akhri warbixinta].

Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa mudooyinkan ka muuqda isbedel, iyadoo ay hoos u dhaceen qaraxyadii joogtada ahaa, waxaana tani la sheegay inay ku timid baaritaanka lagu sameynayo gaadiidka kasoo gudba baraha Koontarool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM