Qarax ka dhacay Muqdisho iyo fahfaahintii ugu dambeysay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhaawacmay qarax galabnimadii maanta oo Khamiis ah ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee magaaladda Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay bam lagu xiray gaari nooca Hilux [Qooqan], oo ay leedahay Shirkad lagu magacaabo DOCOL, taasoo qaabilsan dhanka Loojistikada [Logitics].

Qaraxa ayaa saameeyay gaari oo burbur gaarsiiyay, waxaana uu hakad geliyay isku socodka jidka Makka Al-Mukarama, oo ah mid aad u mashquul badan, oo sidoo kale ay isticmaalaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ayaa xiray goobta oo mudo daqiiqado ah halkaasi ku sugnaa, waxaana ay meesha ka jiideen gaariga qarxay, oo lagu hayo baaritaan halka loogu soo xiray bamka.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo kusoo beegmaya maalmo yar kadib markii ciidamada booliska dowladda ay labo weerar ku fashiliyeen degmada Hodon [Halkan ka akhri warbixinta].

Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa mudooyinkan ka muuqda isbedel, iyadoo ay hoos u dhaceen qaraxyadii joogtada ahaa, waxaana tani la sheegay inay ku timid baaritaanka lagu sameynayo gaadiidka kasoo gudba baraha Koontarool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM