Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaliya, sida ay Saraakiisha ammniga dowladda Federaalka.

Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxadda ayaa ka dhacay nawaaxiga Hotel Makka Al-Mukarama, oo ku dhaw Isgoyska Dabka, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen labo qof.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Caasimadda, iyadoo goobta ay gaareen gaadiidka gurmadka iyo ciidamo Booliska ah oo sameynaya baaritaan, kuwaasoo hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadadan mashquulka badan.

Warar ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeesow lama socon gaariga xilliga qaraxa, sida ay boolisku sheegeen.

Fahfaahin dheeraad ah, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM