Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax dhawaqiisa laga maqlay meelo kala duwan oo kamid ah Muqdisho, kaasoo ka dhacay Fiidnimadii xalay oo Jimco ahayd nawaaxiga xarun uu Bankiga Amal ku leeyahay suuqa wayn ee Bakaaraha.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ahaa Miino lagu aasay meel ku dhow xarunta Bankiga, xili uu iyadoo uu geystay khasaarooyin kala duwan oo dhaawac u badan.

Inta la xaqiijiyey waxa uu dhaawac kasoo gaarey weerarkaan mid kamid ah illaaladda Bankiga, iyo qof kale oo shacab ah, kaasoo marayey goobta ay wax ka dhaceen, sida laga soo xigtay Goobjoogaha.

Hay'addaha amaanka ayaa durbadiiba soo gaarey halka uu qaraxu ka dhacay, iyaga oo sameeyay baaris, inkastoo aanan la ogayn hadii cid lagu soo qabtay howlgalo ay ka fuliyeen Aaga dhacdadu laga soo wariyey.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxaan, kaasoo imaanaya xili nabad-gelyadda caasimadda dalka ay ahayd mudooyinkii dambe mid liidatay, iyadoo ciidamada dowladda buux-dhaafiyeen wadooyinka.

Todobaadyo kahor ayey ahayd markii weeraro loo adeegsaday baabuur lagu so xiray lagu beegsaday xarumaha degmooyin deriska ah ee Howlwadaag iyo Hodan, kuwaasoo galaaftay nolasha ku dhawaad 30 qof oo dad shacab ah u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM