Qarax ka dhacy duleedka Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BALCAD, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax saaka ka dhacay duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Mas'uuliyiinta maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay miino wadada qarkeeda lagu aasay, oo haleeshay Gaari shacab oo marayay aagga Haan-Sheekh, oo ku dhaw Balcad.

Qofka ku geeriyooday qaraxa ayaa ahaa Darawalka Gaariga, iyadoona dhaawac uu kasoo gaarey Kirishbooyga kaasi oo la dhigay Isbitaalka degmada Balcad, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Saraakiisha caafimaadka.

"Gaari Nooca loo yaqaano Dheenada oo Dhuxul doonayay ayay Miinadu la kacday xili uu marayay halka Haan-sheekh oo u dhow tuulada Gololeey ee degmada Balcad, waxaana ku dhintay Darawalka oo lagu magacaabi jiray Bishaar," ayuu yiri qof kamid ah dadkii tagey goobta oo la hadlay Garowe Online.

Lama oga cida ka dambaysay qaraxan, balse wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa ahayd meel Al Shabaab ka fuliso weeraro ka dhan ah Kolonyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo lagula eegtay miinooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM