Qarax kale oo ismiidaamin ah oo caawa Muqdisho ka dhacay

Image

October 15, 2014 (GO)- Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyoodey siddeed qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo caawa fiidkii ka dhacay agagaarka Ex-Fiyoore oo ka tirsan degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo noqonaya kii labaad ee muddo 24saac gudahood ah magaalada Muqdisho ka dhaca, waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Dadka weerarkaas ku dhintay dhammaantood rayid ayey ahaayeen, waxaana ku dhaawacmay oo qaarkood xaaladoodu halis tahay ku jira labo weriye oo midkood ka tirsan yahay TV-ga qaranka.

Ciidamada ammaana ayaa xiray agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay, goobtaasoo waxyar ka durugsan xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Dhanka kale, Al-shabab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxii saddex maalmood kahor lala eegtay maqaayadda Oroma iyo kii galabta lagu diley sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabad-sugida qaranka iyo afar qof oo kale oo rayid ahaa.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii u dambeeyey ammaanka magaalada Muqdisho kasoo raynayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Al-shabab geysan jirteyna aad hoos ugu dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM