Qarax khasaaro gaystay oo Muqdishu ka dhacay

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan ayaa goordhaweyd ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama oo ah goob aad u mashquul badan xilliga duhurkii.

Goob jooge ku sugan nawaaxiga wadadaasi ayaa GO u xaqiijiyay qaraxa.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay geerida labo ruux iyo dhaawac tiro aan la caddayn.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxa weerarkaasi, waxaana la sheegayaa inuu ka dhashay Bomb lagu soo dhajiyay bus uu watay ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Xuseen Jaamici kaasoo magaalada Muqdishu ku leh hotello iyo ganacsiyo kala duwan.

Dhaawac ayaa kasoo gaaray falkaasi ganacsadaha, waxaana wararku sheegayaan in haatan loola cararay goobaha caafimaadka.

Xaaladda wadada ayaa iminka isbadal ka muuqdaa, waxayna saamayn ku yeeshay falkaasi isu socodka gaadiidka.

Goobo ganacsi oo wadada ka agdhawaa ayaa sidoo kale waxyeello kala duwan kasoo gaartay weerarkaasi.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa goobta soo gaaray iyo baabuurta gurmadka.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Xaaladda magaalada Muqdishu ayaa muddooyinkii dambe u muuqatay mid faraha kasii baxday, waxaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay guddoomiyaasha xaafadda iyo taliska gobolkaasi uu caddeeyay inay jirto habacsanaan dhanka ammaanka ah.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli wufuud kasocota maamul goboleedyada ay tagi doonaan magaalada Muqdishu taasoo maalinta Talaadada ka furmi doono shirkii ugu dambeeyay madasha wadatashiga Qaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM