Qarax khasaaro geeystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo xooggan ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay ciidamo katirsana dowladda Federaalka.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in miinada lala eegtay gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Militariga Soomaaliya xilli ay marayeen deegaanka Tareedishe [KM13], oo ku dhaw Muqdisho.

War kasoo baxay Kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dishay Gudoomiyihii degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo magaciisa ku sheegtay "Biyo-Quute" iyo askar la socotay.

Kooxda ayaa sheegtay in Gudoomiyaha uu ku dhintay isla goobta kadib markii qaraxa miinada uu haleeyay Gaari Qooqan ah oo uu saarnaa, kaasi oo dusha ay ka saarnaayeen Askar ilaalo u ahayd.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari ayaa ku geeriyootay weerarka, iyadoo qaar kale ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin qaraxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM