Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay, tiro kale way ku dhaawacmeen ka gedaal markii qarax uu fiidnimada Arbacada caawa ah uu ka dhacay isgoyska Laba Dhagax ee degmada Warta Nabada.

Saraakiisha amniga ee degmadaasi ka tirsan gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay qaraxa oo ka dhacay afaafka hore maqaayada Al Narsi 3 uu ka dhashay Miino nooca meelaha fog laga hago.

Dadka ku geeriyooday dhacdadaan iyo kuwa loola cararay goobaha caafimaadka ayaa isugu jira kuwa wadada marayey, ganacsato iyo shacab usoo shaah doonta mehradaasi oo ah mid mashquul badan.

Ma cadda bartilmaameedka weerarkaasi oo si lamid ah wali aysan jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadaasi inkasta oo dhacdooyinka noocaan ah ay maalmihii dambe ku badanayeen caasimada.

Shalay ayay ahayd markii qarax lagu soo rakibay gaari ay wateen wiil iyo aabihiisa oo kula qarxay isgoyska Taleex ee bartamaha magaala madaxda Soomaaliya uu ku naf-waayay hal ruux, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Marxuumka ayaa ahaa wiil 14-sano jir, halka Aabihiisa oo ganacsatada Muqdisho kamida la sheegay in ay xaaskiisa tahay mid kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday hay’addaha dhinaca sirdoonka, magaalada Muqdisho waxaa ku jira gaadiid miineysan, waxaana shacabka laga dalbaday in ay muujiyeen feejignaan dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM