Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay, tiro kale way ku dhaawacmeen ka gedaal markii qarax uu fiidnimada Arbacada caawa ah uu ka dhacay isgoyska Laba Dhagax ee degmada Warta Nabada.

Saraakiisha amniga ee degmadaasi ka tirsan gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay qaraxa oo ka dhacay afaafka hore maqaayada Al Narsi 3 uu ka dhashay Miino nooca meelaha fog laga hago.

Dadka ku geeriyooday dhacdadaan iyo kuwa loola cararay goobaha caafimaadka ayaa isugu jira kuwa wadada marayey, ganacsato iyo shacab usoo shaah doonta mehradaasi oo ah mid mashquul badan.

Ma cadda bartilmaameedka weerarkaasi oo si lamid ah wali aysan jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadaasi inkasta oo dhacdooyinka noocaan ah ay maalmihii dambe ku badanayeen caasimada.

Shalay ayay ahayd markii qarax lagu soo rakibay gaari ay wateen wiil iyo aabihiisa oo kula qarxay isgoyska Taleex ee bartamaha magaala madaxda Soomaaliya uu ku naf-waayay hal ruux, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Marxuumka ayaa ahaa wiil 14-sano jir, halka Aabihiisa oo ganacsatada Muqdisho kamida la sheegay in ay xaaskiisa tahay mid kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday hay’addaha dhinaca sirdoonka, magaalada Muqdisho waxaa ku jira gaadiid miineysan, waxaana shacabka laga dalbaday in ay muujiyeen feejignaan dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM