Qarax khasaaro u geystay dad shacab ah oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan shan ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay markii qarax uu maanta ka dhacay isgoyska Tawqiif, degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska degmada ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay Miino nooca dhulka lagu aaso ah.

"Qaraxa oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa haleelay gaari rayid ay la socdeen … dhaawaca dad shacab ayuu geystay, wali dhimasho nama soo gaarin," ayuu raaciyay bileyska.

Goobjoogayaal ayaa tilmaamaya in shacabka waxyeeloobay ay laba kamid yihiin dumar ay ku jirto haweenay da' ah [waayeel ah].

"Aniga ma arkin dhimasho … dhaawac ayay ahaayeen … waxayna kala laba dumar ah iyo saddex rag ah," ayuu yiri, Goobjooge Maxamednuur Xasan.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadaan wallow Booliska ku eedeeyay maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Isgoyska Tawqiif ee magaala madaxda Soomaaliya ayaa inta badan waxaa qaraxyo Miino lagula eegtaa gaadiidka ay la socdaan ciidamada dowladda.

Habeenkii Jimcada ee todobaadkii hore ayay ahayd markii dabley hubeysan ay weerar Bambaano ku qaaday fariisin ay degmadaasi ku leeyihiin xoogaga qaranka, inkasta khasaaraha ka dhashay aanan wali la hubin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM