Qarax lagu weeraray Kolanyo ka tirsan AMISOM [Fahfaahin]

Image

MARAKA, Soomaaliya - Wararka aynu ka helayno Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Shalanbood, ayaa waxay sheegayaan in maanta oo Talaado ah, uu halkaas Qarax lagu eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaraxa oo ahaa nooca Miinada meelaha fog-fog laga hago, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro u badan burbur soo gaarey Labo kamid ah baabuurta ciidanka Nabad illaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Xoogaga Al-Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarkaan Jidgalka ah, ayaa shaaca ka qaaday inay ku gubeen Booyad ay lahayd AMISOM, iyo baabuur kale oo kuwa Askarta qaada ah.

Bayaanka ayaa sidoo kaloo ku sheegatay Al-Shabaab inuu jiro Khasaaro dhimasho iyo dhaawac, kaasoo ciidamadda AMISOM, inkasta oo aysan cayimin tiradda dhimashda iyo dhaawaca.

Balse, Gudoomiyaha Shalanbood, Cali Raage, oo wareysi siiyay Garowe Online, wuxuu gaashaanka ku dhuftay warka Shabaab, isagoo sheegay inaanu jirin gaari qaraxa ku gubtay, iyo dhimasho ka dhalatay.

"Qaraxa wuu jiraa, waxaana uu ka dhacay banaanka deegaanka, laakiin warka ku saabsan inuu ku gudtay baabuur, waa mid aan waxba ka jirin, mana ka dhalan khasaaro dhimasho," ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyaha.

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, wali war hadal ah kama soo saarin falkaan lagu beegsaday ciidamadooda, kaasoo kusoo beegmaya iyadoo Shabaab ay kordhisay weerarka dalka ay ka fulineyso.

Ciidamadda dowladda, oo kaashanaya AMISOM iyo kuwa Mareykan ah ayaa maalmihii u dambeeyay dhinacooda sare waxay u qaadeen Gulufka ka dhanka Shabaabka ku sugan gobolada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM