Qarax lagu weeraray saldhig ciidanka Soomaaliya ee Awdheegle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay gaari walxa qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu weeraray saldhiga Ciidamadda Soomaaliya ee degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, maanta oo Arbaco ah.

Fahfaahino horudhac ah oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in qaraxa kadib la maqlay rasaas culus xili dadka degaanka ay soo wariyeen in jugta qaraxa ay ahayd mid aad looga maqlay guud ahaan tuuladda.

Iska hor-imaadka ayaa la tibaaxayaa in uu u dhaxeeyay ciidamada ku sugan saldhiga iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo duulaanka soo qaadey.

Saraakiisha amniga oo ka gaabsaday in ay bixiyaan tafaasiil dheeraad ah ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa is-miidaamin, isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan oo aysan cayimin tiradda saxda ah.

Degaanka Awdheegle oo qiyaastii 70 KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa dhowaan qabsaday xoogaga dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Duulaankan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo taliska ciidamadda Soomaaliya uu shaaciyey in howlgal ay ka fuliyeen degaanka Shaam oo ku dhow Awdheegle ay ku dhaawaceen afhayeenka kooxdaasi.

Sheekh Cali Maxamuud [Cali Dheere] oo aysan kala caddeyn xaaladiisa dhabta ah ayaa waxaa uu kamid yahay horjoogeyaasha ugu muhiimsan maleyshiyaadkaasi gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Shabeellaha Hoose, oo ku yaala koonfurta Soomaaliya, ayaa kamid ah goboladda ay joogitaanka ugu badan ku leedahay Al-Shabaab, ayna ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha ururkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM