Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay bartamaha magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Wadada Makka Al-Mukarama, oo ah jid aad u mashquul badan, oo inta badan ay madaxda dowladda isticmaalaan.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay Gaari walxaaha qarxa lagu soo xiray, kaasoo ku qarxay nawaaxiga Hotel-ka Mubaarak, oo ku yaalla Isgoyska Xaaji Baasto.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeyb badan oo kamida Muqdisho, iyadoo cirka uu isku shareeray qiiq iyo uuro madow, oo laga arkayay meelo fog oo caasimadda katirsan.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro kharaasooyin kala duwan, balse aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin. Gaadiidka gurmadka degdega ayaa goobta kusoo qulqulaya, oo dhaawacyada u daabulaya Isbitaalladda.

Rasaas culus ayaa la maqlay qaraxa kadib, taasoo ay ridayaan ciidamada booliska dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM