Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay bartamaha magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Wadada Makka Al-Mukarama, oo ah jid aad u mashquul badan, oo inta badan ay madaxda dowladda isticmaalaan.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay Gaari walxaaha qarxa lagu soo xiray, kaasoo ku qarxay nawaaxiga Hotel-ka Mubaarak, oo ku yaalla Isgoyska Xaaji Baasto.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeyb badan oo kamida Muqdisho, iyadoo cirka uu isku shareeray qiiq iyo uuro madow, oo laga arkayay meelo fog oo caasimadda katirsan.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro kharaasooyin kala duwan, balse aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin. Gaadiidka gurmadka degdega ayaa goobta kusoo qulqulaya, oo dhaawacyada u daabulaya Isbitaalladda.

Rasaas culus ayaa la maqlay qaraxa kadib, taasoo ay ridayaan ciidamada booliska dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Lagu Eedeeyay Inuu Meel uga Dhacay Diblumaasiyadda Soomaaliya

Wasiir Cabdulkadir Maxamed Nuur, oo si weyn loogu tuhunsan yahay inuu yahay qof si gaar ah ula saaxiib ah Turkiga.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 09:31AM

Shacabka Gobolka Banaadir Oo Lagu Qasbayo Diiwaangelinta Doorashada

Waxa ay ku baaqeen in laga hortago in codadka lagu qasbo ama lagu shubo si aan sharci ahayn, si doorasho xor ah oo daahfuran loo xaqiijiyo.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 07:37AM