Soomaaliya: Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa caawa fiidkii waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Qof Goobjooge ah ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga Xero ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Deyniile, ee gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qarax uu ahaa, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan inuu ahaa Gaari walxaha qarax lagu soo xiray, oo lagu weeraray Xerada Bangalo oo ay degan yihiin Guutada 4aad ee Ciidamada xoogga dalka.

Jugta qaraxan oo laga maqlay qeyboo badan oo kamid ah Caasimadda ayaan lagu soo waramayaa inuu geestay khasaaro, inkastoo aan tirada dhimashada iyo dhaawaca ah aan la xaqiijin wali.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha maamulka degmada Deyniile, oo ku saabsan qaraxa, mana jirto cid mas'uuliyadda sheegatay.

Wixii kuso kordha qaraxa, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM