​Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan oo ismiidaamin ah, ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimda dalka Somalia.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Gari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa  ka dhacay Maqaaxida The Village, oo ku taalla kasoo horjeedka Tiyaatarka Qaranka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida wax u dhaceen, waxaan goob joogayaal ku sugnaa nawaaxiga meheradda warbaahinta u sheegeen in gaarigu Qarxay isagoo lamiga maraya, halka kuwo kale Ku warameen inuu qalibmay dabadeedna qaraxu yimid.

Lama oga khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, inkastoo la sheegay inuu dab qabsaday qayb kamid ah meheradda The Village.

Goobjooge ayaa u sheegay GO in ugu yaraan Hal ruux uu ku dhintay Qaraxa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kale oo Wariyaal ay kamid yihiin.

Saddex jeer oo hore, ayaa meheraddan la weeraray, waxaana waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah iyo mas'uuliyiin.

Amniga Muqdishu ayaa faraha ka baxay waxaa weerar dhowr maalin kahor lagu qaaday dekedda Xamar lagu dilay in kabadan 25 qof oo shacab ah.

Wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaad ka akhrisan doontaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM