​Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan oo ismiidaamin ah, ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimda dalka Somalia.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Gari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa  ka dhacay Maqaaxida The Village, oo ku taalla kasoo horjeedka Tiyaatarka Qaranka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida wax u dhaceen, waxaan goob joogayaal ku sugnaa nawaaxiga meheradda warbaahinta u sheegeen in gaarigu Qarxay isagoo lamiga maraya, halka kuwo kale Ku warameen inuu qalibmay dabadeedna qaraxu yimid.

Lama oga khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, inkastoo la sheegay inuu dab qabsaday qayb kamid ah meheradda The Village.

Goobjooge ayaa u sheegay GO in ugu yaraan Hal ruux uu ku dhintay Qaraxa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kale oo Wariyaal ay kamid yihiin.

Saddex jeer oo hore, ayaa meheraddan la weeraray, waxaana waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah iyo mas'uuliyiin.

Amniga Muqdishu ayaa faraha ka baxay waxaa weerar dhowr maalin kahor lagu qaaday dekedda Xamar lagu dilay in kabadan 25 qof oo shacab ah.

Wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaad ka akhrisan doontaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM