Qaraxyo ka dhacay duleedka Afgooye [Fahfaahin]

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Wararka laga helayo duleedka degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen Qaraxyo, kuwaasoo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaraxyadda kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray Askarta weerarkaan Jidgalka ah lagu soo qaaday iyo xoogaga katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Dadka deegaanka meesha ay wax ka dhaceen ayaa waxay soo sheegayaan inay maqleen rasaas socotay muddo ku dhawaad 15 daqiiqo, iyadoo leysku adeegsaday dagaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda hadii uu jiro khasaaro soo kala gaarey labadda dhinac ee dagaalmay, laakiin Goobjoogayaal ayaa waxay u sheegeen Warsidaha Garowe Online inay arkeen Meydad wadooyinka yaalla, balse tiradooda qiyaasi karin.

Kolanyadda weerarkaan la kow-saday ayaa waxaa la sheegayaa inay la socdeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, islamarkaana uu jiro khasaaro dhankooda soo gaaray.

Al-Shabaab oo war kasoo saartey weerarkaan waxay ku sheegteen inay ku dileen ilaa iyo saddex Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, ayna ku gubeen Saddex gaari oo mid kamid ah AMISOM leedahay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa xaqiijiyay weerarkaan, waxayna beeniyeen in wax askar ah looga dilay weerarka.

"Kuwa nabad diidka oo tiro yar ah ayaa Jidka ugalay ciidamo ka tirsan Soomaaliya oo ku safrayey inta udhaxeysa Afgooye iyo Saldhiga Biladoogle, waana iska caabinay, wax khasaaro ahna ma jiraa," waxaa sidaas u sheegay GO sarkaal Ciidan.

Ciidamadda la weeraray waxay ka baxeen magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeday Saldhiga Ballidoogle, halkaasoo Mareykanka ciidamo gaar ah uu ku tababaro, waxaana loo yaqaan Bankaraafta, waana kuwa si gaar ah u tababaran.

Wadada xiriirisa Afgooye iyo gobolada Baay, Shabellaha Hoose iyo Dhexe ayaa waxaa ka dhaca weeraro lsgu qaado Kolonyada AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo mas'uuliyiinta gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM