Qaraxyo ka dhacay Muqdisho [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo loo adeegsadey baabuur lagu xiray waxyaabo qarxa ayaa ka dhacey labo goobood oo ku yaalla Isgoyska mashquulka ah ee Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa laga soo wariyey meel ku dhow Taalada Olow Tower oo ku dhow Isgoyska Dabka, halka midka labaad uu ka dhacey Dhabarka dambe ee Hotel Makka Al-mukarama.

Uuro madow, oo ka dhashay qaraxyadda ayaa hareeyay guud ahaan meesha ay wax ka dhaceen, halkaasi oo durbadiiba ay soo gaareen laamaha amaanka ee Soomaaliya.

Qaraxyadda oo Jugtooda si wayn looga maqley caasimada waxaa xigtey Rasaas culus, taasoo aanan la ogayn cida ridaysay.

Mid kamid ah qaraxyada, waxaa la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari uu leeyahay Professor Yaxye Sheekh Caamir oo so aad ah u dhaliila siyaasadda dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Professor Yaxye oo kasoo jeeda beesha Madaxweynihii hore Xasan uu ka badbaaday qaraxa balse uu ku geeriyoodey walaalkiisa Cumar Sheekh Caamir.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli amaanka Muqdisho su'aallo la iska waydiinayo, kadib markii silsilado dilal qorsheysan ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen, oo ugu dambeeyay mid lagu khaariyay Gabar Ardayad ah shalay subax.

Todobaad kahor, qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa laguu dhaawacay Xildhibaan Maxamed Mursal Barrow, oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Fahfaahin dheeraad ah, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM