Qaraxyo iyo dagaal culus oo ka dhacay Qoryooley [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo dagaalamayaal aad uhubeysan oo ka tirsan Al-Shabab ku ekeeyeen magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, habeenimaddii Axad ahayd.

Weerarka oo lagu sheegay inuu ahaa "kii ugu xooganaa abid" oo ay Shabaab ku qaado degmaddaan ayaa ku bilowday Qaraxyo culus oo laga maqley daafaha magaalada, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta degmada.

Tiro labo jeer ah ayey dagaalamayaasha duulaanka soo qaadey ay isku dayeen inay gudaha magaalada utalaabaan, balse, ciidamada xooga dalka ayaa iska caabin xoogan kala hor-tagey.

Inta la hubiyey wadar ahaan in ka badan 10 ayaa ku dhimatey, halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, inkasta oo labadda gabar ay khasaarooyin intaasi ka badan sheegayaan.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Cabdi ayaa tibaaxey in ku dhowaad 7 dagaalamayaal oo Shabaab ay ku khaarijiyeen dagaalka.

Dhanka ciidamada xooga dalka ayuu qirey inay kaga geeryoodeen dagaalka illaa iyo Shan, isaga oo daboolka ka qaadey inuu jiro khasaaro isugu jira dhaawac iyo dhimasho oo labada dhinac soo kala gaarey.

"Al-Shabaab ayaa weerarkii ugu xooganaa abid kusoo qaada degmada, laakiin ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ku filnaadey inay iska caabiyaan," ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Cabdi.

Ma jiro war rasmi ah oo ay Al-Shabaab ilaa iyo haatan ay kasoo saartey dagaalkaan culus, laakiin wuxuu kusoo aadayaa xili todobaadkan gaar ahaan Sabtidii ay weerar gaadmo ah ku ekeeyeen Fariisin ciidamada ku leeyahay qaybo kamid ah degmada.

Al-Shabaab kaliya labo degmo ayey ka haystaan gobolka Shabeellaha Hoose, balse, Lix kamid ah 8 degmo ee gobolka waxaa maamusha dowladda, xili ay ka shaqeeyaan masuuliyiinta, laakiin Qoryooley iyo Afgooye si joogto ah ayey usoo weeraraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM