Qaraxyo iyo weerar hoobiye oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax iyo weerar hoobiye ayaa ka dhacay caawa magaalada Muqdisho, xili ay shacabka caawa u billaabatey bisha bakareysan ee Ramadan-ka.

Hoobiyaasha ayaa ku dhacay dhowr degmo oo katirsan magaalada, iyadoo Saraakiisha amniga dowladda Soomaaliya ay sheegeen in aysan jirin cid wax ku noqotay illaa hadda weerarka.

Meelaha ay qaraxyadaan ku dhaceen ayaa waxaa kamid ah nawaaxigaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle iyo Villa Soomaaliya, sida ay dad Goob-joogiyaal ah u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Marka laga soo tago hoobiyaasha, waxaa Weerar Bambaanooyinka gacanta Caawa lagu qaaday Hoyga Guddoomiyihii hore ee degmada Howla-Wadaag Maxamed Abuukar Jacfar ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in labo Askari oo ilaaladiisa kamid ah ay ku dhaawacmeen qaraxyada, islamarkaana uu Jacfar ka maqnaa Guriga xilliga weerarka.

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow  Ducaale ayaa sheegay in jugtii iyo dhawaaqii cuslaa we caawa ka dhacay magaalada Muqdisho aanay aheyn madaafiic hoobiyeyaal ah, balse ay ahaayeen waxyaabo ka dhashay baaruudda qaraxda.

Wasiir Ducaale oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay inay dhawaaqa caawa fiidkii laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen bacyo lagu shubay Baaruudda qaraxda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay jirin qof wax ku noqday iyadoo Ciidamada ammaanka tageen goobihii ay ka dhaceen waxyaabahaas.

“Dhawaaqii iyo jugtii caawa dhacday waxay ahaayeen dheemish, ma aheyn madaafiic, waxay ahaayeen walxo baaruudda qaraxda oo baco lagu shubay”ayuu yiri Wasiir Islow.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa marka la gaaro bisha Ramadan-ka soo wajaha cabsi ku aadan in Al Shabaab kordhiso weerardeeda qaraxyada iyo dilalka qorsheysan isagu jira.

Dowladda Soomaaliye ayaa dhawaan soo bandhigtay Ciidamo ay ku sheegtay inay sugayaan amniga, kuwaasi oo Baro-koontarool ka sameystay wadooyinka waaweyn, gaar ahaan kuwa Madaxda ay sida joogtada ah u isticmaalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM