Qaraxyo iyo weerar toos ah oo ka dhacay meel ku dhaw Villa Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo waaweyn, oo saaka saacadihii hore ka dhacay meel aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Qaraxyadana mataanaha ah, ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa hotel SYL, oo ay mas'uuliyiin sare iyo Xildhibaanno ay degan yihiin, dhisha Beerta Nabadda iyo Villa Soomaaliya, waxaana xigay rasaas xooggan, sida ay sheegeen Goobjoogiyaasha.

Qaraxa kowaad oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lala eegtay bar-koonatrool oo laga ilaaliyo aqalka Madaxtooyada, iyadoo uu xigay dagaal toos ah, oo dabley hubaysan iyo Ciidamada dhexmaray.

Dableyda hubaysan ayaa lagu soo waramayaa inay ka degeen Gaariga hore ee ku qarxay Isgoyska Ceelgaabta, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in 2 kamid ah la dilay kuwa weerarka soo qaadey, oo meydadkooda goobta ay yaallaan.

Qaraxa labaad, oo dhacay daqiiqado kadib ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay gaari NOAH kaasi oo ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel SYL, gaar ahaan dhinac xigta degmada Xamarweyne.

Dableyda hubaysan oo xirnaa dareeska/dharka Ciidamada Xasilinta ayaa isku dayay markii ay labada gaari ku qarxiyeen Baraha Koonatrool inay gudaha u galaan xarunta Madaxtooyadda, balse ay kahor tageen Ciidamada amaanka dowladda.

Lama oga illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee weerarka, balse saraakiisha amaanka dowladda ayaa xaqiijiyay in la dilaya dagaalyahanadii isku dayay inay gudaha u galaan Villa Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka maanta, oo lagu soo beegay xili uu Madaxweyne Farmaajo ka dhoofay Muqdisho, islamarkaana kusii jeedo Brussels oo shir amniga Soomaaliya ku saaban uga qeybalayo.

Qaraxyadaan ayaa dhabar-jab ku ah qorshaha amniga Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre, iyadoo 7 maalmood kahor weerar noocan ah lagu qaadey xarunta Wasaaradaha Amniga iyo arrimaha gudaha, oo ku dhaw Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM